Gudoomiyaha Gobolka Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in Xoogga Hubaysan ee Al-Shabab ay hada gacanta ku hayaan 50% waqooyi bari Kenya kadib markii ay qabsadeen goobo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolkaasi.
Cali Roba oo maqaal ku daabacay Wargaysa The Standard ee ka soo ka soo baxa Nairobi ayaa yiri “Waxaa loobaahanyahay in wax laga badalo qaabka aan ula dhaqmeyno xaaladan, hadii kale, dhawaan waxaan hoos imaan doonaa xukunka argagixisada. Horeba, Al Shabaab waxa ay ku maamushaa in kabadan 60 boqolkiiba Mandheera”
“Walaalaha reer Kenya, waxaa laygu qasbay inaan si cad uga hadlo xaalada nabadgelyo xumo ee kajirta Woqooyi Bari Kenya, iyo gaar ahaan Degmada Mandheera” ayuu xusay Robo.
“Dhibaato daran oo xagga amniga ah ayaa ka dhex jirta gudaha Gobolka Mandheera, taas oo ay sababtay dhaq dhaqaaq aan cabsida lahayn oo ay ku hayaan argagixisada gudaha gobolka. Xaaladdaani way ka sii xumaaneysay saddexdii bilood ee la soo dhaafay laakiin hadda waxay gaartay heerar aan horay loo arag” ayuu yiri siga oo intaasi raaciyay “Argagixisadu waxa ay xoolo ka aruursanayeen xoolo dhaqatada oo aan ciirsi lahayn iyagoo ku magacaabaya Zakkat” ayuu yiri.
18-kii Diseembar ayuu sheegay in Al Shabaab ay madaxa ka jareen gudoomiye tuulo hoostagta Mandera.
Waxa uu sheegay in Al Shabaab weerareen saldhigyo Boolis iyo xurumaha shirkadaha Isgaarsiinta gobolka Waqooyi Bari.
“Warbixinnada saraakiisha amniga ee lagu dilay iyagoo gudanaya waajibaadkooda ayaa sii kordhaya. Wadooyinka waa weyn ee ka tirsan ismaamulka Mandheera waxaa hada gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab oo dhibaateeya dadka safarka ah isla markaana bartilmaameedsada shaqaalaha rayidka ah” ayuu Yiri Cali Robo.
Dowladda Kenya ayuu ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay wax ka qabato amaanka gobolka Waqooyi bari Kenya, taasi ay keentay in ay Al Shabaab maamulaan inta badan gobolka sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladdu waxa ay ku fashilantay in ay si buuxda uga difaacdo Waqooyiga Kenya Al Shabaab. Sida ay hada tahay, runta foosha xun ayaa ah in Al Shabaab ay la wareegeen in ka badan 50 boqolkiiba dhulkii Waqooyiga Kenya. Dadweynaha waa in ay hadda u istaagaan oo ay caawiyaan dowladda, si kasta oo ay suurtagal u tahay, si looga takhaluso kooxdan argagixisada ah” ayuu maqaalkiisa ku sheegay.
Cali Roobo oo qiray in Xukumadda Nairobo qarash ku bixisay amaanka Gobolka ayaa sheegay in ay qarka u saaranyihiin ay xirmaan dhamaan goobaha waxbarashada gobolka maadaama macalimiintii ay gobolka uga carareen amaan daro.