Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow madaxtooyada ayaa shegaayo in Farmaajo soo gaaray email oo usoo diray ra’isulwasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qoraalka ku qoran emailka ayaa lasheegay in Kheyre Farmaajo oga digaayo arinta la xariirta masuq maasuqa iyo lacagaha la lunsaday oo haatan baaritaankiisa oo wado hanti dhowraha qaranka.
Qoraalka ayaa lasheegay in isugu jirtay kadigi taan baaritaanka masuq maasuqa iyo hanjabaad waxaana lasheegay in Kheyre oga digay arintaas sumcad dilka ah waxaana oo sheegay in oo soo bandhigi doono arimo badan oo dhex maray asaga iyo Farmaajo.
Kheyre ayaa waraaqdiisa kusheegay in baaritaanka hanti dhowrka oo wado in oo gadaal karixaayo Farmaajo asagoona sheegay in asaga iyo Farmaajo si siman u qaban doonto fadeexadaas,
Isku soo wada duub mudooyinkii ugu danbeeyay waxa hanti dhowrka qaranka waday baaritaan lagu sameynaayo xukumaddi hore tasoo lasheegay in masuq maasuqday boqolaal malyan.