Dowladda Federaalka Soomaaliya aya ku adkeysaneysa in lagu socdo Doorashada muranka ka taagan yahay ee 2020/2021, iyadoo taageero ka heleysa qaar ka mida Maamul Goboleedyada dalka.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha K/Galbeed C/csiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu diyaar u yahay inuu si degdega oo boobsiis ah u qabto Doorashada senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya aakhirka bishan Disembar 2020, sida ay rabto Madaxtooyada Soomaaliya.
K/Galbeed oo ah maamulka kaliya ee sida buuxda u taageeray qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo Guddiyada Doorashada ee ay magacawday Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheeyay in kadib sanadguurada labaad ee doorashadii Lafta-gareen 19 Disembar uu Baarlamaanka K/Galbeed degdeg u dooran doono senatoorada Aqalka Sare.
Maamulka K/Galbeed ayaa noqanaya kan ugu horeeya ee doorashada lagu muransan yahay ka bilaabato inta aanu sanadkan 2020 dhammaan, haddii aanu isbedel imaan, sida Madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso, kadibna waxaa lagu wadaa inay doorashadaas oo kale laga suurageliyo Galmudug iyo Hirshabelle.
Inkastoo maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan ka mid ahayn Guddiyada Doorashada heer federaal, ayna weli dhisin Guddiyadii Doorashada heer dowlad Goboleed ayaa Madaxweyne Farmaajo weli ku adkeysanayaa inay Doorashadu ku dhacdo xaaladda cakiran iyo is-mari waaga lagu jiro.