Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ayaa la arkayey loo daabulay Magaalada Kismaayo kuwaas oo tababar ku qaatay Xerada beli doogle.
Ciidankaasi waa kuwa katirsan Xoogga Dalka gaar ahaan kuwooda DANAB,ee howlgalada gaarka ah fuliya,iyadoo Askartaasi hore Kismaayo looga qaaday.
DANAB ayaa waxay wateen gaadiid dagaal,islamarkaana la sheegay in ay dhaq dhaqaaq sameeyeen kadib dib ugu noqoshadooda Kismaayo.
Xilli Marxalad Siyaasadeed oo dalka Kala guur ku jiro ayey Ciidankaasi Dawlada geysay Kismaayo waana mid shaki durba laga qaaday Askartaasi.
Balse Taliska DANAB waxay sheegeen in ciidankaas yihiin kuwo loogu talo galay inay xoreynta deegaanada Al Shabaab joogaan Jubbooyinka oo arimo siyaasadeed iyo duulaan Maamulka Meesha ka jira usocon.
Xiriirka Shaqo Ee Dawlada Federaalka iyo Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa weli wanaagsaneyn tan iyo dib udoorashadii Axmed Madoobe Bishii September sanadkii hore 2019-kii.