Maanta oo 8 December ah 2020 waxay ka dhigan tahay in Labo Bil uga harsan tahay Xukunka Dalka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Mucaaradka iyo siyaasiyiinta qaar ayaa maalin walbo tiriya inta uga harsan Talada Dalka Mudane Farmaajo waxaana Doorasho ay ka dhaceysaa dalka sidii loo qorsheeyey.
Mudane farmaajo ayaa cod dheer ku sheegay in ay xilliga loo ballamay Doorashada dhici doonto balse Labo Guddi Doorasho ayaa is garab ordaya.
Murashaxiinta Mucaaradka ayaa sameeyey Guddiga Bad baadinta Qaranka oo doorashada inay qabtaan uga fadhiyaan lamana oga sida ay xaalada dalka noqon karto.
Beesha Caalamka ayaa qoraalo ay saacado ka hor soo saareen waxay ka digeen in Qas iyo qalalaaso la geliyo Doorashada Soomaaliya loo ballamay iyagoo kubaaqay in heshiiskii la gaaray October 2020 Saamileysa Siyaasada ay dhaqan geliyaan.
Jawi doorasho oo iska soo horjeed ah ayaa Muqdisho laga dareemayaa,iyadoo Labada Guddi Doorasho ay shirayaan siyaabo kala duwan,waxaana laga yaabaa in Labo Baarlamaan & Labo Madaxweyne Dalka yeesho.