Iska horimaadka ayaa ka dhacay Maanta Deegaanka Jasiira Ee Duleedka Muqdisho,waxaana warar dheeraad ah laga helayaa dagaalkaasi.
Dad deegaanka kusugan waxay xaqiijiyeen in rasaas xoogan la maqlayey dhowr mar oo dagaalka la isku soo laab laabtay.
Is rasaaseynta ayaa dhexmartay Ciidamo Katirsan Booliska Soomaaliya iyo Maleeshiyaad Macawiisleey ah,kuwaas oo isku maan dhaafay Khaat Doon laga soo dejiyey Xeebta Jasiira.
Khaat-ka Doonta keentay ayaa ahaa Midka Kenya kasoo go’a taas oo hore looga mamnuucay in Soomaaliya la keeno.
Labo Katirsan Maleeshiyaadka Macawiisleeyda ah ayaa ku dhaawacmay Dagaalkaasi,iyadoona Ciidanka Booliska doonayeen in Khaat-ka la wareegaan.
Xaalada markii dambe waxay kusoo laabatay mid deggan,iyadoo Gaari Booliska lahaayeen la sheegay in Dagaalkaasi lagu gubay.