MOSCOW:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda Federaalha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo haatan ah musharax ka tirsan musharaxiinta u tartameysa jagada ugu sarreysa dalka ayaa magaalada Mooskow ee Caasimadda Ruushka kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Sergey Labrov.
“Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika” Musharax Kheyre ayaa bartiisa Facebook-gga kusoo qoray xalay.
Kheyre ayaa intaas raaciyay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ay si qoto dheer isaga wareysteen isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka socdo gobolka Geeska Afrika.
Xasan Cali Kheyer ayaa bishii July laga qaaday xilkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, oo uu soo hayay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Xassan Cali Kheyre ayaa haatan kamid ah Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020-2021.
Talaabadan uu Kheyre u qaaday dhanka Ruushka ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Mareykanka ku dhowaaqay inuu Soomaaliya kala baxayo ciidamadiisa.
Kheyre ayaa intii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimada ka degay la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti isaga safaro kala duwan ku bixiyay dalalka Kenya iyo Turkiga.
Dad badan ayaa isweydiinaya waxa xilligan ku soo beegay kulanka uu Mudane Kheyre la yeeshay wasiirka, iyadoo aysan jirin xil uu hadda ka hayo dowladda Soomaaliya, maadama uu kala hadlayey xiriirka labada dal.