MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashaneysa hey’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO), ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayey Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay
Mas’uuliyiinta Waaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, xubno ka socday WHO, khubaro Caafimaad iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta hiigsiga Caafimaadka loo dhanyahay oo dunida oo dhan laga weyneeyo maanta oo kale.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay inay iska kaashadaan dardargelinta Yoolka caafimaadka ee loo dhanyahay, si qof walba oo Soomaali ah uu u helo adeegyada caafimaad ee uu u baahanyahay, iyadoo si gaara ah diiradda loo saarayo Dadka saboolka ah iyo hooyada iyo dhallaanka.
Senator Cismaan Maxamuud Dufle, oo ka mida Xildhibaannada olaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka Baarlamaan ahaan ka shaqeyn doonaan sidii dadka dan yarta ah ay u heli lahaayeyn adeeg caafimaad oo dhameystiran.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa xustay in sanadkan ay ku guuleysteen in la balaariyo xirmooyinka Caafimaad oo la gaarsiiyay dalka oo dhan, hadana ay wadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo sahli kara in qof walba oo Soomaali ah uu helo adeeg Caafimaad oo tayo leh.
Xuska Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay ayaa sanadkan ku soo aaday, xilli dunida weli dagaal kula jirto safmarka COVID-19, oo ay sababtiisa u geeriyoodeen ku dhawaad laba Milyan oo qof.