ADDIS ABABA:-Hay’adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ayaa sheegtay in maanta ay shixnad gargaar ah oo u badan dawooyin aad loogu baahi qabay ay gaarsiisay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Shixnadda ayaa noqonaysa middii gargaar ee ugu horreysay ee gobolkaasi la gaarsiiyo tan iyo markii ay ka dhaceen dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Jabhadda TPLF.
ICRC ayaa sheegtay in kolonyada gargaarka sidday oo ka koobneyd 7 gaadiidka xamuulka ah ee gaaray magaalada Maqalle ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Laanqeyrta Cas ee Ethiopia.
Sidoo kale ICRC ayaa sheegtay in xarumaha caafimaadka ee magaalada Mekelle ay curyaameen ka dib markii dawooyinkii iyo qalabka kale ee caafimaadka sida galoofisyada qalliinka ay ka dhamaadeen.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ayaanan wali awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan gobolka, inkastoo dowladdu ay sheegtay in ay u dirtay shixnado isugu jira raashin iyo agabyo kale.
Dowladdu waxa ay xaddiday gelitaanka gobolka kaddib markii ay ciidamadeeda iyo xoogagga gobolkaasi uu dagaal ka dhex qarxay 4-tii November.
Colaadda ka taagan waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen kumanaan qof ayna ku barakaceen ku dhowaad 950,000 oo qof oo kale.