Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala guur ah.
Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Batroolka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo bilaabayo bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay deegaanada Galmudug.
Golaha Musharaxiinta Qaranka ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in xilliggaan oo dalku ku jiro kala guur la boobo hantidada Qaranka.