Sh/Hoose:-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka ay howlgallo qorsheysan ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad kale.
Howlgalladaas ayey ciidamadu ku qabsadeen degaanada kala ah Wala-galeen ,Galka-saalimow, Dahaad ,Ceel-maracade Garas-Gawaan oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhankle Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in sidoo kale howlgalkaas ay ku dhaawaceen 6-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana burburiyeen goobo ay dadka ku canshuuri jireen.