Dhuusamareeb:-Ciidamada Booliiska ee ka Howlgala magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa oo lagu qariyey meel aan sidaasi uga fogayn Saldhiga Booliiska magaalada.
Taliyaha Booliiska Samareeb Dhamme Nuur Cilmi Maxamed, oo ka warbixiyey siday ugu suuragashay inay gacanta ku dhigaan waxyaabaha qarxa ayaa sheegay in ciidamada amnigu ka hortageen fal lagu doonayey in lagu qal qal galiyo amniga magaalada, laguna waxyeeleeyo dadka shacabka. Taliyaha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cidii falkaan ka dambeysay.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday inay si wanagsan ula shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago wax walba oo amniga ka hor imaanaya sidoo kalana Booliisku ay sii Xoojin doono Amniga Caasimada.
Dhawaan ayaa sidaan oo kale Bartamaha Magaalada Samareeb Xilli Habeen ah laga qabtay Dhagarqabe doonayey inuu Fal argagixiso ka fuliyo goob sugnaayeen dadka Shacaka ah.