WASHINGTON:-Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhufatay, isku daygii ugu danbeeyay ee ay Xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.
Biden ayaa Pennsylvania tobannaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump, doorashadi imadaxtinimada ee dhacday saddexdii bishii Nofembar ee aannu soo dhaafnay.
Iyadoo aysan wax faah-faahin ah bixinin, ayay Maxkamadda Sare diiday in ay joojiso hannaanka markhaati qirista guusha lagu siinayo Joe Biden.
Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo Dimoqraadi ah ayaa mar hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan Diseembar codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaanno Electoral College.
Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinnimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.
Joe Biden ayaa doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan ergooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.