MUQDISHO:-Dowladda Soomaaliya ayaa ballanqaadday in ay sii adkeynayso xariirka wanaagsan ee laba geesoodka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Arrintan ayaa timi kaddib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge.
Kulanka labada masuul ayaa lagu jeexjeexay sidii ay labada dal ikaashi dhow uga yeelan lahaayeen dhinacyada istiraatijiga u ah ganacsiga, ammaanka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
“Soomaaliya oo ka duulaysa hagaajinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ayay labada dhinac isku afgarteen in ay aragti mideysan ka yeeshaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta dimoqraadiyadda iyo sare u qaadidda kaalmooyinka iyo maalgashiga loo samaynayo Soomaaliya” ayuu yiri mudane Saciid Balal wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay xukumadda Soomaaliya ka samaysay dhinacyada kala duwan ee hagaajinta amniga, koboca dhaqaalaha iyo arrimaha doorashooyinka.
Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo sidoo kale la kulmay wafdiga dowladda Ingiriiska ayaa u sheegay in xafiiskiisu si hufan uga shaqeynayo sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd dooraasho xalaal ah oo si nabadgelyo ah ku dhacda.