Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii Dawladii Kacaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sida Xaalada Kala guurka waddanka ugu jiro.
Waxa uu Galaal ka digay in Dalal Cadowga Soomaaliya ah ay ku guuleystaan kala dhantaalka Siyaasadeed Ee hadda muuqda.
Waxa uu ka dalbaday dhinacyada Isku haya Siyaasada Dalka inay isku naxaan,dalkana ka bad baadiyaan Waddamo Cadow ku ah inay Soomaaliya is gacan qabsato dhinac kasta.
Jeneral Galaal oo lasoo shaqeeyey si dhawna ugu dhawaa Madaxweynihii hore Ee Dawladii Kacaanka Marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa odorosaya in doorashada Soomaaliya Halis badan abuuri karto.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA