Wararka naga soo gaaray Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay maanta la wareegeen degaanka Milxo oo hoostaga degmada laas-qoray, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen.
Wararka ayaa waxay sheegayan in saakay ay degaankaas Al-Shabaab weerar ku qaadeen, waxaana dagaal ay la galeen maleeshiyaad gacanta ku haayay degaanka Milxo ay suurto gashay inay la wareegaan.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen Guddoomiyihii Tuulada Milxo Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo shakhsiyaad kale oo ka tirsanaa Maamulka degaanka.
Isgaarsiinta Deegaanka Milxo oo hoostaga degmada laas-qoray ayaa hawada ka maqan, waxayna Al-Shabaab ay isku fidiyeen Xaafadaha kala duwan ee degaankaas.
Dhanka kale warar madax bannaan oo shalay soo baxayay ayaa waxay sheegayeen in Al-Shabaab hub farabadan ay kala soo dageen xeebta Durduri oo ku dhow degaanka Milxo.