Ciidamada Kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe ayaa sheegay inay degaanka kala wareegeen Al-Shabaab.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay sinabad ah kula wareegeen degaanka Gandarshe oo u dhow Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil Ciidan.
Degaanka gandarsh ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa dhowr jeer la wareeegay Ciidamada dowladda basle ay isaga baxeen,waxaana uu ku yaalla dhinaca xeebta ee wadada xiriirisa Muqdisho & Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka.