MUQDISHO:-Xukuumadda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u ballanqaadday in ay ku gaargaareyso 29 milyan oo dollar taasi oo wax looga qaban doono la dagaallanka macaluusha iyo al-Shabaab.
Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska James Duddridge ayaa ballanqaadkan shaaciyay xilli booqasho laba maalmood ah uu ku joogay SoomaaliyWasiirka ayaa intii uu joogay waxa uu magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale magaalada Baydhabo ee maamulka Koofur Galbeed ayuu kula kulmay ciidamada Ingiriiska ee halkaasi ku sugan.
Mudane Duddridge ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dalkiisu ay ka go’antahay ka qeybqaadashada nabadgelyada Soomaaliya.
“Waxaan wali heynaa dhabbihii aannu ku xasilinaynay gobolka maantana waxaan halkan ka caddeynayaa kaalmada ay Britain la barbar taagantahay ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika eek u sugan Soomaaliya, wada shaqaeynta dhexdeenna ah ayaaan ku wiiqi karnaa awoodaha halista ku ah xasillonida Bariga Afrika iyo dunidaba” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in 4.9 milyan oo dollar oo lacagaha uu Ingiriisku bixinayo ka mid ah ah lagu kaali doono dadka ay waxyeelleeyeen fatahaadaha halka 6.7 milyan oo dollarna lagu bicin doono kaalmooyinka dhanka cunnada ah.
Lacag kale oo dheeri ah oo dhan 10.3 milyan oo doolar ayay dowladda Ingiriisku ku bixin doontaa waaxda caafimaadka taas oo lagu dabooli doono caafimaadka hooyooyinka iyo tababarka umulisooyinka.
Ingiriiska ayaa sidoo kale lacag dhan 2.15 milyan oo dollar ugu deeqi doona la dagaallanka halista miinooyinka.