Dawlada Dhexe waxay hore usheegtay inay qabaneyso Doorasho wakhtigeeda ku dhacda,sida la filayeyna waa ay kasoo bixi kartaa.
Jadwalka Doorashada lasoo bandhigay Bishii October sanadkaan ayaa qeybtood dhaqan geli waayey balse maalmaha dib loo dhacay waxay Guddiga Doorashada sameyn doonaan Shaqo dheeraad ah.
Howsha oo la guda galo si dhaqsi leh,Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa Federaalka oo lasoo xulo ayeyna ku dhamaan doontaa mid Hooskooda Qorax ubadesha Mucaaradka.
Murashaxiinta Madaxweynaha Ee Kasoo horjeeda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taatikada Villa Soomaaliya hadda adeegsaneyso ka dhigan tahay in ay guuldaro kala kulmi doonaan.
Labo mid ayey Madaxda dalka Hadda heysa usahal noqon karta oo Xukunkana kusoo laaban karaan,waa mida koobaad in Qancinta Mucaaradka aan la sameyn oo doorashada sidaas ay ku dhacdo.
Mida labaad Mucaaradka oo la tusayo in ay Afgembi ay rabaan oo beesha Caalamka laga adeejiyo hadii ay awood meliteri isticmaalaan,dalkana bur burin ku sameyn karaan.
Doorashada ayaa dhici doonta maalmo gudaheed,Madaxweynaha Soomaaliya labo bil keliya ayaa uhartay Xukunka,dedaalkiisa dib usoo laabashadana waa uu ku jiraa weli.