Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beled weyne ayaa sheegaya in Hub badan loo ballan qaaday in lagu taageerayo Jabhada General Abuukar Xuud.
Dhaqaale ayaa sidoo kale lasiinayaa Jabhadaasi oo sheegtay inay yihiin Xaq udirirka Gobolka Hiiraan iyadoo aad uga soo horjeeda Doorashadii ka dhacday HirShabelle Bishii Hore November.
Qaar ka mid ah Jaalliyadaha Soomaaliyeed Ee Dalalka UK,Mareykanka iyo Waddamo kale ayaa dadka Reer Hiiraan ay tabarucaad iska uruurinayaan.
Qurba joogtani waxay muujiyeen Taageerada ay u hayaan General Abuukar Xuud oo ay u arkeen Xaq udirir raadinaya Xuquuqda Dadka Reer Hiiraan.
In muddo ah Xiisad ayaa ka taagan Gobolka gaar ahaan Beled weyne iyo deegaanada ku dhaw Sida Ceel gaal waxana jirta in dagaal maalin hore Jabhadaasi Abuukar Xuud hogaamiyo iyo Ciidanka Dawlada dhexmartay.
Waan waan lagu qaboojinayo Xiisada Siyaasadeed Ee Hiiraan ayaa waxa Beled weyne ka wada Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo deegaan ahaan Gobolkaasi kasoo jeeda.