Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad kulul ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka (Somalia Partnership Forum), wuxuuna dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay Gobolka Gedo ku wareejiso Maamulka Jubbaland.
Isagoo ka hadlayey xaaladda Doorashada dalka ayuu sheegay in heshiiskii ay ka mid ahayd in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo oo ay heystaan ciidamo iyo jabhado loo diray, isla markaana aysan dowladda federaalka xalin, loogana baahan yahay inay dowladu kusoo wareejiso Jubbaland, markaasina ay doorasho dhici karto.
“Saddex bilood ayaa qeylinayey.. maxay qabatay dowladda Federalka, ciidamadii maka soo saartay Gedo..? sidee doorasho uga dhaceysaa Jubbaland.. Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale dowladda Qoraal hasoo saarto ay ku leedahay inay la wareegnay Gobolka Gedo, idinkoo sababeynaya..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirka SPF.
Mar uu si toos ah ula hadlay Ra’iisal wasaare Rooble ayuu Axmed Madoobe yiri: “Ra’iisul Wasaare Rooble ma tihid Musharax doorka aad leedahay waa inaad qaadato ayaa lagaa rabaa.. Arrinta Doorashooyinka Soomaaliya waa xaasaasi waxay keeni kartaa doorashada oo la musuqmaasuqo dib u dhac yimaado.. waxa jira mushariixin iyo dad cabanaya. arrinta Somaliland waa lasoo qaaday… waa la cabanayaa.. guddoomiyaha aqalka sare waa mas’uulka ugu sareeya ee kasoo jeeda Somaliland xaq ayuu u leeyahay .. waxaan qabaa in dib isugu noqdaan..”
Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in waqti badan ay lumisay dowladda Federaalka, iyadoo aan wax tallaabo ah qaadin, wuxuuna soo jeediyey in la dhageysto cabashada musharixiinta ee ku saabasan guddiyada heer federaal iyo dadka ku jira, isla markaana ay mudan yihiin in la qanciyo.
“Ma mudna in la yiraahdo waa laga gudbayaa.. Roble mas’uuliyadda adiga ayey kugu dhaceysaa.. ma tihid miusharax … mudadda intaas la eg wax ahayd in la isu yimaado oo laga doodo waxa socon waayey .. iyadoo beesha caalamka ay joogto..” ayaa ka mid ahayd khudbadii Axmed Madoobe oo ku baaqay in wadahadal la isugu yimaado