MUQDISHO:-Dooraashada Guddoomiyaha Guddiga doorashadda Heer Federaal oo ka dhacday xarunta Guddigu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ah ahaa 20 xubnood.
Labo musharax oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo Liibaan Abuukar Cismaan ayaa u tartamayey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal.
Madasha ay doorashadu ka dhacday oo ay ku sugnaayeen 20 xubnood oo kamid ah guddiga ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod halka Liibaan Abuukar Cismaan uu ku guuleystay 3 cod.
Dhan kale Guddiga ayaa ku Guddoomiye ku xigeen u doortay Mowliid Mataan Salaad oo helay 19 cod.