GURICEEL:-Waxaa isa soo taraya wararka ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacay gobolka Galgaduud xilli ay ka ambabaxeen Guriceel kuna wajahnaayeen degmada Balanbal.
Wasiirka warfaafinta mamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ilaa toddobo sarkaal ay geeriyoodeen laba kalana la’ yahay raq iyo ruux.
Saraakiishan ayaa galinkii dambe gaari ay la socdeen lagu beegsaday deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo u dhaxeeya Balanbal iyo Guriceel.
Wasiir Falagle ayaa sheegay in maamulkiisu uu saacadaha soo socda dadweynaha la wadaagi doono faahfaahinta wararka ku saabsan falka lagu laayay saraakiisha ciidamada dowladda.
“Deegaanka oo dhan ayaa aad loogu baxay haddii la dhex galo dadka Soomaaliyeedna waa wax la oggaan karo halka ay ka yimaadeen iyo waxa ay yihiin marka saacadaha soo socda ayaan warbaahinta la wadaagi doonaa wixii shaqo ah oo ay laamaha amniga ay ka soo qabtaan arrinta ” ayuu yiri wasiirka.
Laamaha amniga Galmudug iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee deegaannadaas ayaa wada dadaallo ku aadan hubinta sida ay wax u dhaceen cidii ka dambeysay iyo tirada rasmiga ah ee weerarkaas wax ku noqtay maadama halka falku ka dhacay ay tahay deegaan miyi ah.
Sidoo kale war qoraal ah oo la soo dhigay barta facebook-ga ee Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada ammaanka Galmudug hawlgal baahsan oo ay ka wadaan deegaankii faldanbiyeedkaas foosha xun uu ka dhacay, waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan saraakiishii la weeraray qeyb ka mid ah ayagoo ku raadjooga kooxihii dilkaas geystay si cadaaladda loo horkeeno”.