Baydhabo:-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magacaabey wasiiro cusub oo kamid noqonaya golaha Wasiirada dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxsay Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka iyo Wasiirka Dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.