Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xaalada Dalka iyo sida ay wax usocdaan ay wanaagsaneyn.
Waxa uu Cabdiraxman Cabdishakuur ku eedeeyey Madaxtooyada Soomaaliya inay ka dhego fureysaneyso baaqyada loo soo jeedinayey.
Hadal u muuqday Xujo ayuu Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame hordhigay Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA SIYAASIGA
Madaxweyne Farmaajo wuxuu leeyahay horaa loo soconayaa, hadalna wax igama taro. Waxaan leenahay Madaxweyne durbaanka waad xadi kartaa, laakiin su’aashu waa halkii aad ku yeerin lahayd.
“Dulqaadka adoon ka tegin
Marbaa dirir laga xigaa
Cagaha in uu kula dulmaro
Dhigaa ku dayo xumaan”
Daahe Gaas