Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa weerar dhinaca Afka ah waxaa uu ku qaaday musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo digniin u diray.
Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee maalmahaan ku shirayay Muqdisho gaar ahaan Madaxweynayaal hore waxooda uu yahay xarako iyo Ciyaar Ciyaar, isaga oo uga digay inay dalka fowdo geliyaan.
” Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay Soo Qabtay Oo Leh anoo suuqa jooga ayaan guddi maqcaabayaa miyaanay ahayn Xarako iyo layaab ayuu yiri ” Wasiir Dubbe.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa waxaa uu sii xoojinayaa khilaafka ka dhashay dhinaca Gddiyada doorashooyinka ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda & Musharixiinta Madaxweynaha.