Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay qabashada Doorashada 2021 oo ay heshiis ka gaareen Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Maamul Goboleedyada dhiman inay soo dhammeystiraan Guddiga Doorashada waxa uu ugu baaqay in sida ugu degdegsan in ay usoo gudbiyaan Xubnaha ku matalaya hab maamulka Doorashada 20/21.
Xukuumadda Soomaaliya wuxuu u jeediyay inay dabagasho habraacyada lagu heshiiyay si ay u dhaqangeliso Doorashada, maadaama waqtiga dhiman uu aad u kooban yahay, sidaas awgeed waxa uu faray in ay ku dhaqaaqdo howshaas.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhanka Dowladda shaqada inteeda badan ka soo dhammaatay, balse qaybta ku harsan Maamul Goboleedyada qaar uu ku adkeynayo inay soo gudbiyaan si loo dhaqangeliyo heshiiska wadajirka ay u ansixiyeen labada Gole ee BFS.
“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.
Muran ayaa ka taagan Doorashada 20/21, Guddiga Heer Federaal ayaa shalay doortay Guddoomiye, halka Musharixiinta Madaxweynaha dhankooda ay soosaareen 28-Xubnood oo doorasho qabta.