Ururka Al-Shabaab ayaa soo saartay Video ku aadan Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Riverside ee sanaddii 2019 ka dhacay magaalada Nairobi.
Hadaba Video-gaan ayaa waxaa lagu soo dabaacay Websetyada taageera Al-Shabaab , sidoo kale waxaa la soo dhigay qoraal ay uga hadlayaan Weerarkaasi.
Mu’asasada Alkataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa soo saartay isdaar Maqal oo muuqaal ah oo lagusoo bandhigayo weerarkii 14 Riverside ee sanaddii 2019 ka dhacay magaalada Nairobi.
Video-gan oo la daawan karo qadar 7 daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi ah ayaa lagusoo bandhigayaa qaabkii uu u dhacay weerarakii dhismayaasha isku raranka ee 14 Riverside, khasaarihii ka dhashay iyo halyeeyadii fuliyay weerarkaasi.
Isdaarkan cusub waxaa kasoo muuqanaya raggii fuliyay camaliyadda oo gaarayay 5 dagaalyahan, Kaamirada Alkata’ib ayaa bartamaha magaalada Nairobi Muuqaal ugasoo duubtay ciidamada weerarka qaaday xilli ay is diyaarinayeen maalin ka hor iyo waqtigii ay kusii jeedeen goobta bartilmaameedka u ah.
Weerarkan oo qeyb ka haa silsilado loogu magac daray “Qudus lama yaqhuudaynayo” ayaa jawaab celin u ahaa tallaabadii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.
Halkan ka daawo Filimka oo English ah MP4
Halkan ka daawo Filimka oo Carabi ah MP4
Hoos ka daawo sawirradii raggii fuliyay weerarka:-