Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar ugu ambo baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.
Afhayeenka Maadxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, oo ujeedka safarka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in uu yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa xiriirka Diblomaasiyasadeed iyo midka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladda Kenya & Soomaliland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta uu ku sugan yahay dalka Kenya madaxweynaha Soomaliland uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta & Madax kale oo ka tirsan dalkaas.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliland ee u ambabaxay dalka Kenya ayaa waxaa kamid ah, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri xaaji ismaaciil Baandare, horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Horumarinta maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad.
Safarkaan uu madaxweynaha Soomaaliland ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dahxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya.