Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka kasii sagootiyay Wasiiro iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan Soomaaliland, waxaana la sheegay in uu la kulmi doona dhiggiisa Kenya Mr. Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-diblomaasiyaddeed oo Sar sare.
Warbaahinta Somaliland ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Muuse Biixi uu Casumaad ka helay dowladda Kenya, islamarkaana labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan qodobo isugu jira Siyaasad iyo Ganacsiga.
Dhanka kale Socdaalka madaxweyne Biixi, ayaa ku soo beegmaya xilli cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya sii xumaanayo, isla markaana labada dowladood ay qaadayaan Go’aano iska soo horjeeda.