Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilihii dambe sheeda iska arkayey iyagoo xiriir dhaw aan dhexmarin.
Iyadoo ay shaqeeyaan labada safaaradood ee Labada Dal hadana sidii markii hore la iskugu dhawaa hadda maaha.
Wafdi la socda Dawlada Soomaaliya uuna hogaaminayo Wasiirkii Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Nairobi maalmahaan dambe kusugnaa.
Xal inay ka gaaraan xurgufta labada dal ayeyna doonayaan inkastoo faah faahino badan la helin.
Xuduuda iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay ayey ubadnaayeen,iyadoo sidoo kale Arimaha Diblomaasiyada laga arinsanayo.
Kenya ayaa xusul duub ugu jirta ka hor Doorashada Soomaaliya inta aysan dhicin inay hesho guul weyn,oo ah in Khaat-ka dalkeeda loo fasaxo ee Soomaaliya usuuq keeni jireen.
Dhawaan Xukuumada Muqdisho ayaa Khaat-ka Itoobiya qandaraas kula gashay ganacsato taas badelkeedana ku bedeshaan Malaay looga raro Soomaaliya.