Madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku biiray safka Nabad & Nolol marka la eego qaab-doorashadda hay’adaha dastuuriga ah ee Hirshabeelle waxa uuna maanta oo Axad ah Jowhar ka sheegay in uu halkaasi u tagay sidii xal waara looga gaari lahaa tabashada ka jirta dhismaha Hirshabeelle ka hor inta aan la dooran gudoonka iyo Madaxweynaha maamulkaasi.
Ilo lagu kalsoonaa karo ayaa rumaysan in Sheekh Shariif Xukumadda Soomaaliya ka codsatay in uu garab ka siiyo dib u heshiisiinta beelaha Hirshabeelle madaama uu yahay siyaasi ka soo jeeda Hirshabeelle saamayna ku leh arimaha siyaasadda ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif oo ay Jowhar ku soo dhaweeyeen Wasiirka arimaha guddah Hirshabeelle Maxamed Cali Caadlle, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in dhismaha Maamulku meel feecan marayo, iyada oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay qaarkood dhaliileen sida wax u socdaan.
”Ujeedada socdaalkeena waa howl aan muddo soo wadnay oo ku saabsaneyd dad xoogaa tabasho ka qabay Arrimaha Doorashooyinka Hirshabeelle oo aan wadahadal la waday oo meel fiican aan soo gaarsiinay in aan idinla wadaagno si arintaa nabad loogu soo dhameeyo oo heshiis looga gaaro” ayuu Shariif u sheegay Suxufiyiinta.
” Dalkaan guud ahaan wuu ka soo daalay khilaaf iyo kala duwanaasho in leys dhageystana waa muhiim marmarka qaar haddii la wada hadlo ayuuna xalku yimaadaa sidaa daraadeed waa ka hor inta aan doorasho la gali la soo dhameeyaa arrimaha taagtaagan meel fiican ayeeyna soo gaareen runtii inta dhimanna waxaa rajeynayaa in aan ku guuleysano, Annaga ujeedada aan leenahay waa in ay wax ku dhismaan nabad, maxaa yeelay iyada oo colaad jirin oo khilaaf jirin ayeeysan Hirshabeelle meel fiican gaarin, sidaa daraadeed waxa meel lagu gaari karo waa nabad iyo in leys ogol yahay ” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynihii hore ee Shirshabeelle ayaa su’aan ka keenay qaabka uu maanta Jowhar ku tagay hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
“Markaan arkay sawirrada soo dhaweynta Madaxweyne Sharif Shekh Axmad waxaan soo xasuustay warkii adeerkey Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa Abgaal waa qowmiyad. Waxaan marqaati ka ahay iney qowmiyad yihiin sababtoo ah madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Ku sime Madaxweyne Cali Gudlawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle, Guddoomiya Gobolka Sh Dhexe Axmad Meyre Makaran, Taliyaha Boliska Hirshabeelle Kor Xasan Dhicisow iyo mas’uuliyiin kale. Haddaad kuwa soo dhaweeyay wareysato wexey ku leeyihiin soo dhaweynta Shariifka looma kala harin, haddaad hoos u sii fiirisana waa hal reer. Hirshabeelle ma Abgaal ayey ku soo aruurtay?” ayuu Cali Cabdullaahi Cosoble ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Internet-ka.
“Hirshabeelle calool Abgaal ayey gashay, in looga tago maahane lalama lahaan karo” ayuu dalkiisa raaciyay.
Socdaalka Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Jowhar ayeey dad badani qabaan uu la xiriiro iskuday la doonayo in lagu xaliyo Doodda iyo Khilaafka ka taaggan hannaanka lagu wajahayo dhismaha 2aad ee Hirshabeelle gaar ahaan dhinaca awood qeybsiga iyo heshiiskii markii horeba lagu dhisay maamulkan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dalka ku soo laabtay, kaddib safaro uu ku tegay dalalka Imaaraadka & kenya ayaa safarkiisa Magaalada Jowhar waxaa uu kusoo aaday xilli ay ka socdaan howlaha doorashooyinka inkastoo dadka siyaasadda indha-indheeya sheegayaan in arimaha doorashada si dadbad loo hoosgeeyay saraakiil ka tirsan Dowladda Faderaalka Soomaaliya.