Waxaa maanta Caasimada Kenya kulan ku yeeshay Xildhibaan Cabdiraxman Xuseen Odawaa iyo Halgamaa Cabdikiriin Sheekh Muuse.
“Magaalada Nairobi oo aan maalmahan ku sugnaa ayaan Maanta kulan Qado sharafeed Iyo Is xog wareysanno ku yeelanay Halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (QalbiDhagax) iyo Akhiyaar la socotay.
Gardaradii iyo gef kii Caddaa ee Nadaam ka hadda jira ay u geysteen iyo duruufaha uu maray ayuu iiga waramay.
Wuxuu ahaa kulan keeni ugu horreeyay ee aan Halgamaaga isku aragnay tan iyo gefkii taariikhiga ahaa ee Loo geeystay.
Waxa uu Ka mahad celiyay sida quruxda iyo qiimaha leh ee ay bulshada soomaaliyeed u difaaceen, kaalinta lama illaawaan ka ah ee ay dad badan oo mas’uuliyyiin ah ooga dhiidhiyeen”.