Gudoomiyaha XISBIGA SAHAN Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.
Kulanka oo ka dhacay Gudaha Safaarada UK ee Muqdisho ayaa Mudane Abdikarim Guled iyo Danjire Ben Fender waxa ay ka wada hadleen Arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo welwelka ay Murashaxiita Madaxweyne ka qabaan hannaanka loo marayo doorashada dalka.
Labada dhinac ayaa si wanaagsan isula fahmay dhammaan howlihii ay ka wada hadleen, waxaana uu danjiraha UK caddeeyay in gacan ay ka geysan doonaan sidii doorashada Soomaaliya ay u noqon laheyd mid wada oggol ku dhacda.