Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay inuu dalka ka baxo oo dalkiisa ku laabto safiirka dowladda Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho, Lucas Tumbo.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha dalkeenna.
“Dowladda federaalak Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray” ayaa lagy yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya lagu yiri.