Waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal airport maanta lagu xiray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Murashax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow ay shirkad Jarmal ah oo Hargeysa deggan u soo saartay dal-ku-galka Somaliland, si uu Magaalada Hargeysa shir uga qayb galo.
Laakiin hay’adaha ammaanka Soomaaliland ayaa marki dambe ogaaday in qofka dal-ku-galka loo soo saaray yahay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xabsiga loo taxaabay.
Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ayaa saraakiisha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa tusay dal-ku-galka uu sitay, kaas oo la laalay ama laga diiray, lana joojiyey.
Waxa la filayaa in dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho saacadaha soo socda,iyadoo weli Shirkadii casuuntay Dhuxuloow iyo isaga midna handlin.