Arrinta muranka duulimaadyada gudaha ee saaka hakadka gashay ayaa salka ku heysa in hal diyaarad kaliya loo ogolaaday inay tagto Doolow, halka diyaaradaha kale ee Local ah loo diiday, taasoo keentay in shirkadihii kale ee diyaaradaha ay saaka gadoodaan oo ay furtaan Koontarka Terminalka.
Waxaa duhurnimadii la xaliyay buuq ka taagnaa duulimaadyadii gudaha ee ka bixi jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii shalay Hey’adda Nabadsugida ay joojisay diyaarad aadi laheyd degmada Doolow ee Gobolka Gedo, taasna ay keentay Guddiga Diyaaradaha oo shir yeeshay inay sameeyaan shaqo joojin.
Guddiga Shirkadaha diyaaradaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid naas-nuujin ah, waxaana haatan socda kulan lagu xallinayo murankaas, iyadoo mar dambe uu bilowday duulimaadyadii gudaha dalka oo muddo saacado ah hakad ku jiray.
Rakaab badan ayaa ka Baaqday Safar ay u ahaayeen degmooyinka gobolka Gedo.