Kooxo mintidiin ah, oo adeegsaday xeelad dhif iyo naadir ah, ayaa dameer ay kusoo rakibeen walxaha qarxa u adeegsaday weerar ay ku damacsanaayeen inay ku dilaan barasaabka gobolka Borno ee dhaca waqooyiga-bari ee dalka Nigeria.
Falkan, oo ay ka dambeeyeen maleyshiyaad lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururka IS, waxaa BBC-da u xaqiijiyay sarkaal la socday mid ka mid ah gawaadhida kolonyada ah ee lagu waday barasaabka.
Weerarkan ayaa yimid kaddib markii barasaabka – oo lagu magacaabo Babagana Zulum – uu ka badbaaday weerar Jimcadii loogu geystay meel u dhow Harada Chad.
Gawaadhidii uu la socday ayaa mar kale lagu beegsaday qarax iyagoo Axaddii dib ugu laabanaya caasimadda gobolka ee Maiduguri.
Markii ay askartii ilaalada u ahaa arkeen dameer dhex taagan waddada, way ka shakiyeen, waxayna ku fureen rasaas. Markaas kaddib waxaa qarxay walxihii lagu soo xiray dameerka, durbadiina dabley halkaas kusii diyaarsaneyd iyo ciidanka ayaa rasaas isweydaarsaday.
Qaar ka mid ah raggii hubeysnaa ee weerarka geystay ayaa halkaas lagu dilay, sida uu sheegay sarkaalka u warramay BBC-da.
Ma jirin cid ka mid ah dadkii barasaabka la socday oo wax ku noqday weerarkaas. Laakiin qaar ka mid ah gawaadhidooda ayaa ku burburay rasaasta.
Ugu yaraan 18 ruux – oo ay ku jiraan 14 askari oo boolis ah iyo 4 rayid ah – ayaa lagu dilay weerarkii dhacay Jimcadii.
Barasaabka ayaa soo booqanayay magaalada Baga, xilli loo diyaar garoobayo in halkaas dib loogu celiyo kumannaan qof oo ka barakacay weerarro ay kooxda Boko Xaraam ka geysatay sanadkii 2014-kii.
Boko Xaraam ayaa u kala qeybsantay ururro dhowr ah – sida kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika, taasoo gacan saar la leh ururka IS.
Xigasho:BBCSomali