Wararka inaga soo gaaraya ayaa sheegaya in Toogasho ka dhacday Magaalada Garowe Caasimada Puntland.
Ciidamo hubeysan oo ah Canshuur-qaadayaal katirsan wasaaradda Maaliyada ee Puntland ayaa dilay Marxuum Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf, oo kamid ahaa ganacsatada iyo waxgaradka magaalada Garoowe.
Askartan falka geysatay ayaa doonayay in ay Ganacsato kale xoog kaga qaadaan lacag ay sheegeen in ay tahay Canshuur lasoo amray.
Waayihii dambe waxay wajahayeen ganacstada Magaalada Garowe lacago xad dhaaf ah oo lagu sheegay canshuur.