Deegaanada maamulka hirshabeele waxa ka jira loolankii iyo udiyaar garowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro doorashada la filayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka hirshabeele .
Sigaar ah waxa lasoo sheegayaaa in siyaasiyiintu ay hada isugu garbinayaan ka mid noqoshada xildhibaanada barlamaanka maamulka shirshabeele uu yeelnayo .
Xildhibaan ismaciil cabdi qaasin oo ka mid ah xildhibanada barlamaanka maamulka hirshabeele ee waqtigoodu sii dhamaanayo oo aan la hadlnay ayaa,Waxaana uu sheegay in hershabeele ay diyar utahay doorasho ismarkaasna deegaanada maamulka hirshabeele ay ka dhacayso doorasho.
Waxaana uu tilmaamay in maamulka hirshabeele uu wada qorshiihii ugu dambeeyay ee doorshada iyo sidii ay ku dhicilaheyd ,Isagooo intaasi ku daray in hada tartankii ugu adag loogu doorashada ka dhacaysa deegaanada maamulka hirshabeele islamarkaasna ay socoto xodxodashadii ugu dambeesay arimaha doorashada ee siyaasiyiinta .
Dhankale xildhibaan ismaciil ayaa sheegay in doorashada ay wax ka ogtahay dowlada faderaalka taasi oo uu sheegay in dowladu ay kor kala socoto doorashada ka dhaceysa deegaanada maamulka hirshabeele
Dhawaan ayaa la filyaa in ay doorasho ka dhacdo deegaanada maamulka hirshabeele doorashadaasi oo ah mid xor iyo xalaal ah waxaana si aad ah hada looga dareemaya deegaanada maamulka hirshabeele tartarkii ugu dambeeyay ee ay siyaasiyiintu ugu jiraan doorashadaasi