Waxaa saacadihii la soo dhaafay xoogeystay wararka sheegaya in Xafiiska Ra’iisal wasaare Roobe ay buux dhaafiyeen xubno mucaarad ah oo raadinaya xilal isugu jira Wasiir, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru Dowle.
Xubnahan qaarkood Wasiir buuxa saami ahaan uma helayaan oo waxay ku qoondo yihiin Ra’iisal wasaaraha cusub, sida aan ka soo xiganay ilo muhiim ah ilaa iyo 12-qof oo ka tirsan Xisbiyada mucaaradka ah ayaa raadinaya iney xilal ka helaan Xukuumadda Ra’iisal wasaaraha uu soo dhisayo.
Lama hubo in Ra’iisal wasaare Rooble diidi doono iyo in kale, balse waxaa jirta in kooxda madaxweynihu rabaan in kuraasta laga safo dad xildhibaano laga dhigi doono doorasho soo socota oo daacadnimadooda madaxweyne Farmaajana ay tahay 100%.
Rooble, wuxuu dad kala duwan oo u tegay u sheegay inuusan waxa dhibaato ah u arag in dadka mucaaradka ah la soo dhoweeyo oo siyaasadana la fur furo, laakiin wuxuu dareemayaa inuu dhexda kaga jiro koox abaabulan oo aad u diidan mucaaradka aragtidoodana ay tahay doorashada 2020/21.
Xukuumadda Ra’iisal wasaare Roobe ayaa la filayaa in dhawaan la dhiso,waxayna dhibaatada ugu weyn ay noqon doontaa in ay xukuumadda ay noqoto mid dhammaanteed Wasiiradeeda ay cusub yihiin, taas oo haddii ay dhacdo go’aamin karta shaqooyinkii hore u socday, sida ay sheegeen dadka siyaasadda la socda.
Madaxda maamul goboleedya oo qudhooda ku sugan Muqdisho ayaa la wariyaa iney saameyn ku leeyihiin dhismaha Xukuumadda cusub,iyagoo raba iney abaal mariyaan xubno dagaal adag oo siyaasadeed la galay markii uu jiray khilaafka maamul goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, taas oo iyana qeyb ka ah qorshaha xubnaha mucaaradka ay ku raajicinayaan Xukuumadda cusub.
Ra’iisal wasaare Rooble oo heysta afar bilood oo sharci ah iyo dhowr bilood oo farsamo ahaan doorashada ay daahi karto ayaa u muuqda mid xujooyin badan ay hor daadsan yihiin.
Qaar ka mid ah Xubnaha mucaaradka ee doonaya iney ku biiraan taliska Rooble ayaa waxay ku sheegeen sababta ay ugu biirayaan Xukuumadda cusub ay tahay in ay mar kale soo dhacdaan Kuraastooda Baarlamaanka.