Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in si gaar ah ula macaamisho ganacsatada waa weyn ee gobolka Banaadir oo xasaanad ku dhex leh Bulshada gobolka Banaadir.
Dowladda Federaalka ayaa mudo Usbuuc ah Xabsiga ku heysa Ganacsato Ciidanka amniga ay soo xireen, kuwaas oo lagu tuhmayo iney xiriir la sameeyeen Xarakada Al-Shabaab
Sheikh Cali Wajiis oo ka mid ah Taliyeyaasha dhanka Carabta ee Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay VOA-da, qaraabo dhow la ahna mid ka mid ah Ganacstada xiran ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday iney raadiso xal kale oo fudud oo ay kula macaamileys ganacsatada la yaqaano,islamarkaana ay joojiso in goobaha ama guryahooda lagala soo baxo marka la soo xirayo.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay handadaan ganacsatada,islamarkaana mararka qaar haddii ay diidaan amaradooda dil ugu bedela.
Ganacsatada ay xireen Ciidanka amniga dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in lala xiray xubno kale kale oo ka tirsan Guddiga gaadiidleyda.
Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka dhex xireen, kuwaasi oo la tilmaamay inay xiriir la sameeyeen Al-shabaab.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Ganacsatada iyo xubnaha kale ee dhawaan la xiray.