Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya ayaa wada qorshe uu ku bur burinayo heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb,islamarkaana doonaya inuu meesha ka saaro rabitaanka qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Shirka lagu wado inuu ka dhaco Xalane ee ay yeelanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland,Puntland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo horseed u noqon kara in doorasho loo dhan yahay ku dhacda waqtigeeda.
Wararka kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu beesha caalamka ku cadaadinayo in waqti kooban oo ku siman hal sano lagu daro mudo xilleedka Dowladda Farmaajo,islamarkaana aan tixgelin gaar ah la siin cadaadiska ay wadaan maamul goboleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland.
Sida dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan arrintaan ayaa caqabad ku ah in la gaaro heshiis wadareed lagu galo doorasho xor oo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.
Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku cadaadinaya Villa Soomaaliya in la soo magacaabo Ra’iisal wasaaraha si uu u dhaqan geliyo heshiisyada la gaaro.
Maamulada Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa soo dhoweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii Garowe ay ku yeesheen madaxweynayaasha Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi Deni kaas oo lagu baaqay shir kale oo ka dhaca magaalada Muqdisho.
Beesha caalamka ayaa garwadeyn ka ah shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana laga doonayaa madaxda kulmeysa iney soo saaraan go’aan loo dhan yahay.