Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaboolshe oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in Farmaajo uu meel uga dhacayo Hawiye, islamarkaana ay haatan beeshu ka maqan tahay miiska siyaasadda iyo talada dalka, maadaama uusan muddo bil ka badan magacaabin Ra’iisul wasaarihii bedali lahaa Mudane Xasan Cali Khayre.
“Kursiga Raii’sul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasadda iyo talada ka maqan.” ayuu yiri taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta uu Madaxweynuhu magacaabis u samey la’yahay ay tahay inuu raadinayo Ra’iisul wasaare gadaal leh Indho ku leh, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan bil ka badan Madaxweynaha Soomaaliya ay ku qaadatay magacaabida Ra’iisul wasaaraha, waxaana dalka ka taagan caqabado badan oo isku xiran sida amniga iyo u diyaar garoowga arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.