Warar horay u soo baxay ayaa sheegayay in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay ku soo wajahan yihiin maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,balse arrintaas ma muuqato saan-saanteeda.
Ma jiro cadeymo muujinaya in Wafdiga Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi DENI ay maanta imaanayaan magaalada Muqdisho, wuxuuna qeyb ka haa qorshahan warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii magaalada Garowe.
Labadan madaxweyne ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo ay garwadeyn ka tahay Beesha caalamka.
Maamuladda Puntland iyo jubbaland ayaa ka hor yimid qodobadii kasoo baxay shirkii Magaaladda Dhuusa-mareeb 3,waxayna sheegeen war murtiyeedkii laga soo saarayna uu ahaa aragti ku koobnaa Madaxweynah Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo ku saabsan sidii mar kale ay isugu imaan lahaayeen shir ay u dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isla markaana aragti mideysan uga gaari lahaayeen marxalada kala guurka iyo doorashooyinka.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in lagu balamay shir kale oo ka dhacaya magaaladda muqdisho kaasi oo u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.