Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) & Siciid Cabdullaahi Deni oo laga sugayo inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ayaa shalay dib uga dhacay safarkooda.
Sababta dib u dhacooda waxay ilo xog ogaal ah sheegeen in arrimo farsamo oo aysan sii faah-faahin, waxaana ay meesha ka saareen in guud ahaan ay ka baaqdeen socdaalkooda Muqdisho.
Ujeedka Shirka ay u imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa ah in qayb ka noqdaan dadaalada lagu gaarayo doorashada dalka 2020/21 oo aysan ka qaybgalin Shirkii lagu go’aamiyay nuuca doorasho, halka ay diideen taageerista qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxweynaha DFS, Madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, KGS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Beesha Caalamka ayay la ballansan yihiin, maadaama cadaadiska ugu badan Deni iyo Madoobe ay saartay si aysan uga harin hiigsiga Doorashada iyo howlaha Geedi socodka Siyaasadeed ee lagu gaarayo.