Ugu yaraan 3 Muhaajiriin ah ayaa geeriyootay, kadib, markii uu dab ka kacay Dooni ay la socdeen qiyaastii 20-Muhaajiriin ah oo soo gaartay Xeebta Degmadda Krotone ee Koonfurta dalka Talyaaniga.
Saraakiisha Boliska iyo kuwa Caafimaadka ee dalkaasi waxay sheegeen in 5 ka tirsan Muhaajiriinta ay gubteen, iyadoo 2 ka mid ah Xaaladooda aad u liidato.
Sidoo kale, 2 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Talyaaniga ayaa la sheegay inay dhaawacmeen, xilli ay doonayeen inay Doonida u jiidaan meel Ammaan ah.
Taliye ka tirsan Boliska Talyaaniga oo lagu magacaabo Emiliyo Fiyoora oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AdnKrons News Agency waxa uu sheegay inuu dab ka kacay Matoorka Doonida iyo inuu Qarax ka dhashay.
Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA News Agency waxay sheegtay in 12 Muhaajiriin ka badbaaday dabkaasi loo gudbiyey Xarun lagu hayo dadka Muhaajiriinta oo ku taalla magaalladda Krotone ee Koonfurta dalkaasi.
Doonida uu dabku qabsaday waxaa la socday 34 qof, balse 13 ka mid ah ayaa soo gaaray Xeebta, ka hor intaysan Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga soo faragelinin si ay u soo gaarsiiyaan Dekedda magaalladda Krotone.
Weli lama shaacinin dalalka ay ka soo jeedaan Muhaajiriinta geeriyootay, kuwa dhaawacmay iyo kuwa la soo badbaadiyey ee la socday Doonida uu dabku ku qabsaday Koonfurta Talyaaniga.
Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Muhaajiriin tiradooda dhan tahay 18,000 oo qof ay Xeebaha Talyaaniga soo gaareen 8-dii bilood ee la soo dhaafay ee sanadkan 2020, halka tirada guud ee Muhaajiriintii sanadkii hore gaaray Talyaaniga ay dhamaayeen 4,900 oo Muhaajiriin ah.
W/T: Ustaad Nuradin