Xarunta Xibsiga UPD ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ahmiyada kulanka ayaa lagu sheegay inay la xiriirtay iswareysi labada masuul & Salaan, maadaana xilli hore ay isugu dambeysay.
Intii kulanka uu socday ayaa masuuliyiintaan sidoo kale isku sol hadal qaadeen xaaladda Siyaasadeed ee dalka & inay muhiim tahay in laga shaqeeyo xaaladda kala guurka ah ee dalka cagaha la galaayo.
Madaxweynihio hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmo ka hor dalka dib ugu soo laabtay ayaanan cadeyn mowqfikiisa siyaasaddeed, iyadoo dalka la filaayo inay doorasho ka dhacdo.
Muddooyinkaan dambe waxaa Muqdisho kulamo gaar gaar ah ay ku dhexmarayaan madax hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabatay, kuwaasi oo ka hadlaaya arrimaha Siyaasadda ee dalka.