Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb Saacaddihii la soo dhaafay ay gaareen qaxooti Suuriyaan ah.
Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay soo gaareen 10 qoys oo ah siiriyaan ka soo qaxay dagaalada ka socda dalkooda, safar dheer ayay soo galeen iyagoo dhowr magaalo oo Soomaaliya ah soo marey ugu dambeyna Dhuusamareeb yimid si ay u helaan goob amni ah.
Ma’suuliyiinta maamulka degmada Dhuusamareeb iyo culumada Caasimada ayaa gacan walaalnimo u fidiyay reerahan, goobo ay dagaan iyo gurmad kale ayaa la gaarsiiyay iyadoo maamulku u balan qaaday dhul ay dagaan hadii ay go’aansadaan inay sii joogaan Dhuusamareeb.
Dhanka kale Qoysaskaan ayaa ka mid ah boqolaal Suuriyaan oo ka soo barakacay dagaallada ka socda dalkooda, kuwaasoo qaarkood ay soo gaareen degaano ku yaalla Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dowlad degaanka Soomaalida iyo sidoo kale magaalada Hargeysa ee Somaliland.