Waxaa dalka Maraykanka ku geeriyooday Atoorihii kaalinta libaaxa lahayd ka qaatay filimkii Black Panthe.
Chadwick Boseman oo ahaa 43 sanno jir ayaa ku geeriyooday magaalada Los Angeles, waxa uuna la noolaa xaaskiisa iyo qoyskiisa.
Boseman ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay ku jiray isbitaal waxaana uu ugu dambeyntii uu u geeriyooday xanuunka kansarka.
“Chadwick waxa uu ahaa Dagaalyahan geesi ah, waxa uuna idin soo jilay filimaan aad wada jeclaateen.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay qoyskiisa.
Dhanka kale Filimaantii uu jilay waxaa ka mid ahaa Marshall to Da 5 Bloods iyo Black Panthe oo uu aad ugu soo caan baxay.